5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 31, 2020
Maamulka magaalada Diridhabe oo go'aano kasoo saaray ka hortagga Covid 19.


Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL) - Maamulka magaalada Diridhabe ayaa manta go'aano kasoo saaray cudurka dunida wareeriyay ee Covid 19. Go'aamadaan oo dhaqan-galidoona beri Abriil 01, 2020 ayaa waxaa ka mid ahaa

1. In la joojiyo  gaadiidka dadweynaha ee magaalada soo gala ama ka baxa.
2. In la joojiyo gaadiidka magaalada ka dhex shaqeeya, sida Bajaajta iyo basaska yaryar ( minibas).
3. In la xidho waddooyinka waawayn ee magaalada Diridhabe soo gala.
4. Suuqyada waawayn ee Ashawa iyo Taywanka oo albaabada loo laabo, kuma jiraan dukaamada ibinaya maciishada daruuriga ah.
5. Shaqaalaha Warshadaha ka shaqeeya oo la fasaxo
6.Xannibaadahan ayaa ka reeban goobaha Shidaalka, Raashinka iyo wixii daruuri ah.

Go'aannadan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu cudurkan Covid 19 uu ku soo kordhayo dalka Itoobiya 










Click here
3/31/2020 3:23 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Ethiopia ayaa shaacisay inay dib u dhicidoonaan doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay dhamaadka bisha Agoosto, iyadoo loo aaneeyayo walaaca laga qabo faafitaanka caabuqa coronavirus, guddiga doorashada ee dalkaas ayaa maanta sheegay.

3/31/2020 2:26 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco.

3/31/2020 11:48 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)-Maxamed Axmed Saleebaan Gooni ayaa maanta la wareegey xilka taliyaha qabta Booliska gobolka Sool, iyadoo gudookiyaha gobolka iyo masuuliyiinta ciidamada kala duwan ay goobjoog ka haayeen.

3/31/2020 8:13 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasaaradda Curinta iyo Teknolojiyadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiir dhaqameedyada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay oggolaadeen daawo dhaqameed lagu tijaabiyey dadka iyo xoolaha tan iyo markii uu cudurku dillaacay 19-kii Diseembar 2019.

3/31/2020 6:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Puntland ayaa xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo katirsan guddiga xakamaynta iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus.

3/31/2020 1:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Hal bukaan oo laga helay cudurka 'COVID-19' ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

3/31/2020 1:32 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Tirada dadka Mareykanka u dhintay coronavirus ayaa kor u dhaafay 3,000 oo qof, sida laga soo xigtay xogta laga sii daayay Isniintii shalay Jaamacadda Johns Hopkins.