5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 30, 2020
Cali Maxamed Caraale’’ Madaxweyne Waare waxaa uu ku guuldareystay hoggaamintii Hirshabeelle


 

Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Cali Maxamed Caraale oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalintii shalay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Cali Caraale ayaa xil ka qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid sharci darro ah isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle in uu wareegtadan ugu marmarsiyoonayo sida uu hadalka u dhiggay fashilkiisii siyaasadeed iyo hogaamintiisa xun ee Hirsabeelle.

‘’Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare waa uu ku fashilmay hoggaanka Hishabeelle, waxaa uu ka xun yahay guushii aan ka gaarnay soo ajarida khilaafkii degmada Buula-burte ee uu horay ugu guuldareystay in uu wax ka qabto, muddadii ay jirtay Hirshabeelle ee uu madaxweynaha ka ahaa wax uu soo kordhiyay lama arko oo aan aheyn in uu aruursado dhaqaalaha shacabka labada gobol’’ ayuu sheegay Cali Maxamed Caraale.

Tallaabadan uu qaaday guddoomiye Caraale ayaa u muuqata mid aan waxba ka duwaneyn tii leysku hortaagay magacaabistiisii sanadkii 2019kii oo guddoomiyihii xiligaa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu ku tilmaamay soo magacaabistii watigaa ee Cali Caraale mid sharci darro ah, iyadoo dhinaca kale-na Caraale uu ku dooday in magacaabistiisu aheyd mid sharci ah oo ay tahay in Yuusuf Dabageed uu xafiiska banneeyo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay gobolka Cali Jeyte Cismaan oo markii saddexaad xilkan qabanaya.

Inta badan marka ay soo baxaan xaaladan oo kale waxaa arimaha soo fara-galiya odayaasha dhaqanka gobolka oo ugu danbeyntii ku guuleystay in ay dhameeyaan is-maandhaafka ka dhasha isku badalka labada guddoomiye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
 

 










Click here
3/30/2020 2:56 PM EST
Muqdisho, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo bixinaysa dadaallo lagu dhimayo faafida fayruska Covid19 ayaa maanta soo saartay go'aan kale oo dhimaya inay bulshadu isku timaado.

3/30/2020 2:13 PM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay fayruska Covid19 inuu saameyn ku sheegay shaqada, wuxuuna ku baaqay in wada-jir looga shaqeeyo sidii loo wajihi lahaa xaaladdaa.

3/30/2020 5:52 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavurus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda kutaala.

3/30/2020 4:42 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay howlgal culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir.

3/30/2020 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboeedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan aan caadi ahayn la qaatay la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

3/30/2020 2:01 AM EST
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta degmada Shangaani.