Muhyadin Axmed Rooble oo loo magacaabay madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC.
Talaado, Maarso, 03, 2020 (HOL)-Suxufiga Soomaaliyeed ee Muhyadin Ahmed Roble ayaa loo magacaabay
madaxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC, kaddib markii u soo dhammaaday
tartan adag oo saxafiyiin dhowr ah u galeen booskaas oo muddo dhowr
bilood ah ka bannaanaa Idaacadda.
Muhyadin Roble, oo shantii sano ee la soo dhaafay madax ka ahaa
Idacaada Ergo ee Qaramada Midoobay, ayaa noqonaya tifatirihii ugu da’da
yaraa uguna horreeyay oo laga qaato meel ka baxsan BBC, iyadoo madaxdii
ka horeysay laga soo dhex xushay shaqaalaha
Idaacadda, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanayahay shaqada cusub ee
BBC.
"Sharaf weyn ayay ii tahay inaan hoggaamiyo Laanta Soomaaliga ee
BBC, taas oo ah il-wareedka ugu muhiimsan oo ay ugu kalsoonida badan
yihiin Soomaalida gobolka iyo qurbaha intaba” Ayuu yiri Muhyadin oo
shaqada billaabi doona bartamaha bishan.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa iyaguna soo dhaweeyay
magacaabistiisa, waxayna sheegeen in BBC ay heshay shakhsi ku habboon.
"Waa nin dhallinyaro ah oo howl kar ah oo jecel aqoonta iyo
xirfadleyaasha warbaahinta , waxaana hubaa inuu ka soo bixi doono
shaqadaas
baaxadda leh, isbadal iyo horumarin weyn inuu ku sameyn doono BBC
ayaan aaminsanahay" ayuu yiri Ustaad C/qaadirm Maxamed Mursal oo madax
ka ahaa Idacaada Ergo xilligii uu Muhyadin Roble ka mid ahaa
shaqaalaheeda saxaafada Soomaaliyeedna ku jiray in ka badan afartan sano.
"BBC Somali waxay heshay tifaftiraha aad wanaagsan. Muddo 13 sanadood
ah ayaan nahay saaxiibbo isku dhow, sanado badanna shaqo wadaag ayaan
aheyn, waxaan ogahay halganka uu u galay inuu qof ahaan iyo xirfad ahaan
is horumariyo, aqoontiisa inuu dhiso, mihnadda
aan wadaagno ee warbaahinta uu wax weyn ku soo kordhiyo" Ayuu
Abdirahman Taysiir isna ku soo qoray bartiisa Facebook.
Muhyadin sidoo kale waa tababare saxaafadeed, cilmibaare iyo
falanqeeye siyaasadeed oo la shaqeeyay Machadka Rift Valley Institute
iyo Hay’adda Jamestown Foundation. Waa falanqeeye kasoo muuqday
shaashadaha Caalamiga ah sida AlJazeera, CBC, France 24,
VOA, iyo kuwa kale.
Wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda Mareykanka ee United States
International University (USIU) oo ka qaatay shahaadada masters ka oo ah
xiriirka caalamiga, siyaasada arrimaha dibeda, iyo diblumaasiyada. Isla
Jaamacaddaas ayuu ka heystaa Bachelor’s degree
oo saxaafada ah.
Farah Mohamed Ali F.Blue, Hiiraan Online
Minneapolis, Minnesota