5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2020
Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qarixii ismiidaaminta Garowe


   

Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Xasan (Gujir), ayaa goor dhowayd u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo caawa lagula eegtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Guddoomiyaha ayaa dhaawaca culus kasoo gaaray, taasoo keentay in qalliin lagu sameeyay uu kasoo laaban waayay koomo uu galay, sida HOL, u sheegeen saraakiil caafimaad oo ku sugan isbitaalka Garowe.

Cabdisalaan Gujir, dabayaqaadii sanadkii 2018 ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Nugaal, horey wuxuu uga mid ahaan jiray saraakiisha ciiddanka Puntland.

Wuxuu ahaa masuul aan inta badan kaxaysan jirin ilaalo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/29/2020 3:44 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax ismiidaamin ah oo caawa Garowe lagula eegtay guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir iyo sarkaal la socday xilli lala beegsaday iyagoo gaarigooda ku dhex jiray.

3/29/2020 3:09 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo caawo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay inay wanaagsan tahay xaaladda guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xirsi Gujir iyo sarkaal kale, kuwaas oo caawa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay.

3/29/2020 1:28 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir ayaa ku dhaawacmay qarax ismiiidaamin ah oo goor dhowayd lagu eegtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

3/29/2020 1:16 PM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii saddexaad u magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, iyadoo xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale

3/29/2020 11:52 AM EST
Axad, Maarso, 29,2020 (HOL )–Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa soo saaray go;aan ah in aanay dalka iman Karin rakaab ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, kuwaas oo ay la socon karaan dad qaba cudurkan Covid19.

3/29/2020 9:03 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Thomas Schaefer, oo ahaa wasiirka maaliyadda gobolka Hesse ee dalka Jarmalka, ayaa iskiis isku dilay kadib markii uu walaac ka muujiyay sida loola tacaali karo burburka dhaqaale ee ka dhashay coronavirus.

3/29/2020 8:34 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Garowe lagu aasay qof kamid ahaa dadkii looga shakisanaa cudurka Coronavirus, kaasoo xalay ku geeriyooday xarun lagu karantiilo dadka laga helo calaamadaha cudurka oo dhawaan laga hirgaliyay Garowe.

3/29/2020 6:17 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)- AMISOM ayaa xanibtay gelitaanka xarunta Halane oo ay ku yaalliin safaarado shisheeye iyo taliska guud ee ciiddanka Amisom. Xanibaadaan waxay qayb ka tahay dadaal loogu talagalay in lagu joojiyo fiditaanka Coronvirus.

3/29/2020 2:23 AM EST
Axad, Maarso, 29, 2020 (HOL)-Waxaa laga deyrinayaa xaalada nolaleed dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xayiran dalka Liibiya, kuwaa oo warbaahinta ku sheegay in ay la soo darseen dhibaatooyin kala duwan.