5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 28, 2020
Madaxweyne Deni oo shacabka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan cudurka Coronavirus


 

Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay qaataan talooyinka hay’adaha caafimaadka ee ku aadan ka feejigaanta cudurka Coronvirus.

“Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada,” ayuu yidhi madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Puntland qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya iyadoo 7 qof oo shacab ah la galiyay xaalad karantiil ah kadib markii ay iskood ah isku geeyeen xarumaha caafimaadka ee Garowe.

Dadka la karantiilay qeybtood waaa ajaanib kasoo jeeda dalka Hindia. sidoo kale, dadka gudaha waxaa ku jira kuwa ka yimid dalka dibadiisa gaar ahaan Ingiriiska iyo Maraykanka.

Isbitaalo lagula tacaalidoono dadka uu qabat cudurka Coronavirus ayay Puntland ka furtay magaalooyinka waaweyn sida Garowe, Gaalkacyo iyo Bosaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/28/2020 2:43 PM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa caawo geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baaritaankiisa.

3/28/2020 8:35 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Roob mahiigaan ah oo habeeno ka hor ka da’ay gobolka Shabeeladda hoose ayaa baab’iyay garoonkii diyaaraddaha ee Baraawe ee dowladda federalku ku dhistay 4.3 milyan oo dollar.

3/28/2020 7:22 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada maxaliga ah ee gobolada Soomaaliya, kadib markii uu kordhay walaaca cudurka Coronavirus ee safmarka ah.

3/28/2020 3:45 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Puntland ayaa dad u karantiishay cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay ilo katirsan bahda caafimaadka Puntland.

3/28/2020 2:26 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka Dugsiga 15ka May oo ay Masaaridu Gacanta ku hayeen.