5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 28, 2020
Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyada gudaha Soomaaliya


 

Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada maxaliga ah ee gobolada Soomaaliya, kadib markii uu kordhay walaaca cudurka Coronavirus ee safmarka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu yahay mid lagula dagaalamayo fiditaanka cudurka Coronavirus oo illaa iyo hadda saddex kiis laga helay Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso go'aanka wasaaradda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/28/2020 2:43 PM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa caawo geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baaritaankiisa.

3/28/2020 8:50 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay qaataan talooyinka hay’adaha caafimaadka ee ku aadan ka feejigaanta cudurka Coronvirus.

3/28/2020 8:35 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Roob mahiigaan ah oo habeeno ka hor ka da’ay gobolka Shabeeladda hoose ayaa baab’iyay garoonkii diyaaraddaha ee Baraawe ee dowladda federalku ku dhistay 4.3 milyan oo dollar.

3/28/2020 3:45 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Puntland ayaa dad u karantiishay cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay ilo katirsan bahda caafimaadka Puntland.

3/28/2020 2:26 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka Dugsiga 15ka May oo ay Masaaridu Gacanta ku hayeen.