Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Puntland ayaa dad u karantiishay cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay ilo katirsan bahda caafimaadka Puntland.
Illaa 6 qof ayay wararku sheegayaan in maamulka ku hayo xarumaha karantiilka ee Garowe, iyadoo laga qaaday baaritaano si loo ogaado in ay xanuunka qabaan iyo in kale.
Dhammaan dadka la karantiilay waxay u badan yihiin dadka iyaga si iskood ah u tagay xarumaha caafimaadka, intooda badana waxay ka yimaadeen dalka dibadiisa.
Sida aan xogta ku helnay ma jirto wax kiis ah oo illaa iyo haatan laga helay Puntland, balse cabsida cudurka ayay Puntland kala siman tahay Soomaaliya inteeda kale maadaama dad badan oo ka yimid qurbaha oo iskugu jira Soomaali iyo ajnebiba ay ku sugan yihiin halkaas.
Maalintii shalay, Puntland waxay soo saartay awaamiir looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus, waxayna caawo maqribkii xiraysaa isku socodka xuduudaha uu maamulku la wadaago dhinaca Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.
Arrimaha uu dadku hadal hayo waxaa kamid ah Qaadka ka yimaada Ethiopia oo tan iyo markii la joojiyay duulimaadyada caalamiga ah kusoo qulqulayay gudaha Puntland, isagoo kasoo galayay xuduudka.