5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 28, 2020
Dowladda Soomaaliya oo la wareegeysa Dugsigii 15 May oo ay Masaaridu maamulayeen


 

Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka Dugsiga 15ka May oo ay maamulayeen Guddiga Waxbarashada  Masar ee Soomaaliya,

Waxaana la isku afgartay inu u dhaqan galo la wareegida Dugsigaas 20 April 2020 leysku afgartay la wareegidan ay si rasmi ah u dhaqan 20 gasho April ee sanadkan 2020,

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tilmaamatay in Iskuulkaas laga dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Tallaabadan ayaa imaneysa dhinaca kale iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dhex-dhexaad ka tahaya Khilaafka dowladaha Masar iyo Itoobiya ee ku  aadan Webiga Niil, lamana oga in Go’aankaas uu daba socdo tallaabada ay  dowladda kula wareegeyso Iskuulka 15-ka May. 

 Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Waxbarashada Soomaaliya :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 

 

 

 

 










Click here
3/28/2020 2:43 PM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa caawo geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baaritaankiisa.

3/28/2020 8:50 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay qaataan talooyinka hay’adaha caafimaadka ee ku aadan ka feejigaanta cudurka Coronvirus.

3/28/2020 8:35 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Roob mahiigaan ah oo habeeno ka hor ka da’ay gobolka Shabeeladda hoose ayaa baab’iyay garoonkii diyaaraddaha ee Baraawe ee dowladda federalku ku dhistay 4.3 milyan oo dollar.

3/28/2020 7:22 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada maxaliga ah ee gobolada Soomaaliya, kadib markii uu kordhay walaaca cudurka Coronavirus ee safmarka ah.

3/28/2020 3:45 AM EST
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)- Puntland ayaa dad u karantiishay cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay ilo katirsan bahda caafimaadka Puntland.