4/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 27, 2020
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo bilowday qeybinta qalab loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19)


 

Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda federalka Soomaaliya, ayaa  maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).

Waxaa maanta qalabkaan lagu wareejiyay Punland iyo Somaliland, waxaana qorshaysan in loo sii dhiibo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wasiirka caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan ayaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Cismaan kula wareegay intii Puntland laga siiyay, qalabka kahortagida iyo u diyaar garowga Caabuqa Corone-Virus oo maalmo kahor Dawladda Faderaalka Soomaaliya kasoo gaaray Maalqabeen u dhashay Shiinaha.

Maanta ayaa lagu wadaa inay Garowe soo gaarto, masuuliyiinta wasaaradduna ay kula wareegaan garoonka Gen. Mohamed Abshir.

Qalabkaan ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland ka caawin doona la tacaalida bukaanada laga helo xanuunka ama kuwa looga shakiyo ee la galiyo Karantiilka.

Shalay ayay ahayd markii warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen wasaaradda caafimaadka dawlada federaalka iyo wasiirada dawladaha xubnaha ka ah ay ku sheegeen inay ubaahanyihiin lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar si loola tacaalo xanuunka Covid-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/27/2020 3:59 PM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay mideeyaan cududdooda iyo awooddooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen duruufaha caafimaad ee caabuqa Coronavirus uu dhaxal siiyey dalal badan oo caalamka ah.

3/27/2020 8:13 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Ingriiska Boris Johnson, ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sida ay goor dhowayd shaacisay dowladda.

3/27/2020 7:56 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aamo looga hortegayo Cudurka Coronavirus, iyadoo xirtay guud xuduudaha uu laleeyahay Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.

3/27/2020 4:33 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shaqaale ka mid ahaa qandaraaslayaasha ka howlgalla xerada Xalane laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).

3/27/2020 3:57 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)-Tirada dadka uu soo ritay caabuqa Corona ayaa imika guud ahaan caalamka dhaaftay nus malyuun qof tan iyo intii uu cudurkaasi bilaabmay.