3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2020
Cudurka Coronavirus oo Nus Malyuun ruux soo ritay caalamka oo idil

 

Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)-Tirada dadka uu soo ritay caabuqa Corona ayaa imika guud ahaan caalamka dhaaftay nus malyuun qof tan iyo intii uu cudurkaasi bilaabmay.

In ka badan 180 dal ayuu cudurkan gaaray islamarkana waxaa guud ahaan caalamka ugu geeriyooday ku dhawaad 23 kun oo qof.

Dalka Taliyaaniga oo ah dalka sida ba’an uu cudurkan ugu dhuftay ayaa waxaa mar kale 24 saac ee ugu dambeysay sare u kacday tirada dhimashada .

Dalka Mareykanka ayaa dhanka tirada uu cudurka soo ritay ka sare maray Shiinaha, waxaa ay imika mareysaa 82,404 qof tirada uu cudurka soo ritay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa tirada cudrka ugu dhimatay ay ka hooseysaa tiradii Shiinaha ugu dhimatay,

Balse dhanka tirada u dhimatay cudurka dalka  Mareykanka ayaa ka hooseysa Shiinaha ,halka dhanka dhimashada uu imika  ay dalka Taliyaaniga ugu sareeyaan.

Tirada Shiinaha ugu dhimatay caabuqa Corona ayaa dhan (3,291) halka Taliyaaniga oo ugu sareeya ay gaarayso (8,215).

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxaa looga dhawaaqay muddo saddex toddobaad oo xannibaad dhanka isu socodka ah gaar ahaan caasimadda Kinshasa.

Xukuumadda Shiinaha ayaa gabi ahaanba  dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan dadka ajaaniibta ah si ay uga  hortagto in caabuqaasi uu mar kale dalkooda dib ugu soo laabto

Dalka Australia in ka badan 3,000 ayaa cudurka laga helay halka ay u geeriyodeen 13 qof.

BBC 

 
 













Click here
3/27/2020 3:59 PM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay mideeyaan cududdooda iyo awooddooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen duruufaha caafimaad ee caabuqa Coronavirus uu dhaxal siiyey dalal badan oo caalamka ah.

3/27/2020 8:13 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha Ingriiska Boris Johnson, ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sida ay goor dhowayd shaacisay dowladda.

3/27/2020 7:56 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aamo looga hortegayo Cudurka Coronavirus, iyadoo xirtay guud xuduudaha uu laleeyahay Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.

3/27/2020 7:06 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda federalka Soomaaliya, ayaa maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).

3/27/2020 4:33 AM EST
Jimco, Maarso, 27, 2020 (HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shaqaale ka mid ahaa qandaraaslayaasha ka howlgalla xerada Xalane laga helay cudurka coronavirus (COVID-19).