3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 26, 2020
Waa sidee xaaladda raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen?
 

Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.

Raysal wasaaraha Soomaalia, Xasan Cali Kheyre ayaa qadka taleefoonka kula xidhiidhay qoyska Nuur Cadde, isaga oo ka xog-wareystay xaaladdiisa caafimaad wuxuuna yidhi.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin.”

Saacaddo kooban warka raysal Wasaaraha, waxaa baraha bulshada iyo qeybo kamid ah warbaahinta Soomaalida lagusoo faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan geerida raysal Wasaarihii hore, iyadoo aanay jirin cid markaas si toos ah loogasoo xiganayay geeridiisa.

Wararkaas been abuurka ah ayaa si aad ah loosii faafiyay, iyadoo ay sii qaateen siina faafiyeen dad caan ah oo ay bulshadu si aad ah ugu xiran tahay, taasoo sheekada run usii ekaysiisay.

Warbaahinta HOL, oo xidhiidh la sameysay xubno katirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, ayaa u sheegay in aanu waxba ka jirin warka saxaafadu tebinayso, iyaga oo sheegay in raysal wasaarihii hore uu nool yahay, xaaladiisana lala tacaalayo.

Marka lagasoo tago jaaliyadda, Wiil uu dhalay raysal wasaare Nuur Cadde oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Cadde ayaa isna beeniyay wararka la faafiyay,”  isaga oo  sheegay  in aanu sax aheyn wararka lagu qoray baraha bulshada, wuxuuna yidhi Aabbahay waa nool yahay, alle ha caafiyo, xanuunka alle haka qaado.”

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/26/2020 4:25 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Kadib markii caabuqa Coronavirus oo gaystay dhimasho farabadan uuna saameeyey qaarad walba, ayaa Safaarada Somalia ee Uganda waxa ay soo qaban qaabisey kulan wacyi gelin ah oo loo qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda.

3/26/2020 4:22 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Safiirka Maraykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay inay gaartay go'aanka ugu dambeeya ee hannaanka deyn cafinta.

3/26/2020 11:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL )– Fadhigii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta soo saaray qodobo xooga lagu saarayo ka hor taga xanuunka saf mareenka ah ee coronovirus sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuud iyo shacabi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

3/26/2020 5:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur, ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

3/26/2020 5:05 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya inay gaartay go'aan qaadkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.

3/26/2020 3:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.