3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 26, 2020
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda oo qabatay kulan ku saabsan iska wacyi galinta cudurka Corona virus


Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Kadib markii caabuqa Coronavirus oo gaystay dhimasho farabadan uuna saameeyey qaarad walba, ayaa Safaarada Somalia ee Uganda waxa ay soo qaban qaabisey kulan wacyi gelin  ah oo loo qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda.

Jaaliyadda oo kaashanaysay Dhaqaartiirtaa Soomaaliyeed ee degen Uganda, ayaa la wadaagtay jaaliyada, waxa uu yahay Coronavirus ama (COVID-19), meesha uu ka soo farcamay, sida uu ku faafay, sida loo kala qaado iyo sida looga hortagi karo.

Qunsulka Safaarada Somalia ee Uganda Mudane Jibril Afyare oo ahaa qabanqaabiyihii kulankaan ay tusaale ahaan la wadaagay jaaliyadda sida saxda ah ee loo dhaqo gacmaha iyo loo xirto maska wajiga oo ka mid ah talaabooyinka ka hortaga caabuqa Coronavirus.

Qunsulka Safaaradada Soomaliya ee Uganda mudane Jibril Afyare waxuu ugu baaqay kulana dardaarmay jaaliyada Uganda in fiiro gaar ah iyo ka warqab ay siiyaan waayeelka, caruurta, hooyooyinka iyo maatada maadama la xadiday banaan bixida iyo isku socodka guud.

Mudane Jibril Afyare waxa uu faray jaaliyada in mar walba la adeeco loona hogaansamo sharciyada dalka ee ay martida u yihiin iyo amarada ka soo baxa dowlada Uganda.”

Soomaalida ku nool qurbaha ku nool ayaa maalmahan kamid ahaa dadka uu saameeyay cudurkaan, waxaana arrintaan sabab looga dhigay iyadoo Soomaalidu aanay qaadan talooyinka wadamada ay ku nool yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/26/2020 6:39 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.

3/26/2020 4:22 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Safiirka Maraykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay inay gaartay go'aanka ugu dambeeya ee hannaanka deyn cafinta.

3/26/2020 11:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL )– Fadhigii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta soo saaray qodobo xooga lagu saarayo ka hor taga xanuunka saf mareenka ah ee coronovirus sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuud iyo shacabi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

3/26/2020 5:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur, ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

3/26/2020 5:05 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya inay gaartay go'aan qaadkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.

3/26/2020 3:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.