4/8/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 26, 2020
Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay inay Soomaaliya gaartay go'aankii ugu dambeeyay ee deyn cafinta


 

Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya inay gaartay go'aan qaadkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.

QM waxay sheegtay inay Soomaaliya hadda xaq u yeelan doonto noocyo deeq-lacageed oo gaar ah oo lagu daboolo baahiyadeeda maaliyadeed ee dadweynaha iyo baahiyaha horumarineed, iyo marin u helidda qalabka maalgelinta ee shirkadaha gaarka loo leeyahay

 “Guul laga gaaray barnaamijka HIPC' waa tallaabo weyn oo horay loogu qaaday horumarka dhaqaale ee Soomaaliya, taasoo u oggolaaneysa waddanka inuu u sii gudbo yoolkiisa muddada fog ee kobcinta dhaqaale ee loo dhan yahay iyo yareynta saboolnimada. Dhammaan dadka Soomaaliyeed waa ku faani karaan guushaan, ”ayuu yiri Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

'Go'aanka 'waa mid mahadnaq iyo markhaati u ah mas'uuliyiinta dowladda dhexe' dib-u-habaynta maareynta maaliyadda ee dadweynaha. Waxay sidoo kale muujineysaa iskaashi xoog leh oo ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, waxayna dejineysaa tusaalooyin ku saabsan iskaashiga mustaqbalka ee arrintan iyo qeybaha kale,” ayuu yidhi James Swan.

Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ayaa aasaasay HIPC Initiative sanadkii 1996-kii, waana barnaamij ay ku jiraan 39 dal oo loo aqoonsan yahay waddamo aad u sabool ah kuwaas oo taageere ka hela bangiga adduunka iyo IMF, si aanay ula kulmin culays deyn ah oo ka badan awoodooda adeeg iyo maamul.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/26/2020 6:39 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.

3/26/2020 4:25 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Kadib markii caabuqa Coronavirus oo gaystay dhimasho farabadan uuna saameeyey qaarad walba, ayaa Safaarada Somalia ee Uganda waxa ay soo qaban qaabisey kulan wacyi gelin ah oo loo qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda.

3/26/2020 4:22 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Safiirka Maraykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay inay gaartay go'aanka ugu dambeeya ee hannaanka deyn cafinta.

3/26/2020 11:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL )– Fadhigii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta soo saaray qodobo xooga lagu saarayo ka hor taga xanuunka saf mareenka ah ee coronovirus sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuud iyo shacabi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

3/26/2020 5:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur, ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

3/26/2020 3:43 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.