4/2/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 26, 2020
Wasiir Beyle ''Guusha Deyn Cafinta waxey ku timid dadaal lagu baxshay dib u habeynta Hannaanka dhaqaale ee dalka


 

Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Wasiir Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay Soomaaliya oo gaartay barta go’aan qaadashada dayn cafinta iyo tallaabooyinka xiga ee ay dowladda qaadi doonto.

Waxaa uu sheegay in madaxda Soomaalida iyo shacabkooda ay iska kaashadeen qorshahaan,sidoo kale uu horey Washington uu kula kulmey madaxda Bangiga Aduunka & IMF,isla markaana Soomalaiya ay guul u  tahay.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in  tallaabada xigta ay tahay in  deyn cafinta dhinac laga wado dalkana ay dhinac kale lacago kasoo  gasho,sidoo kalena tani ay fududeyneyso in Soomalaiya ay hesho lacago  farabadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  

 

 

 

 

 
 










Click here
3/26/2020 6:39 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Raysal wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu asiibay caabuqa Covid 19.

3/26/2020 4:25 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Kadib markii caabuqa Coronavirus oo gaystay dhimasho farabadan uuna saameeyey qaarad walba, ayaa Safaarada Somalia ee Uganda waxa ay soo qaban qaabisey kulan wacyi gelin ah oo loo qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda.

3/26/2020 4:22 PM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Safiirka Maraykanka uqaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay inay gaartay go'aanka ugu dambeeya ee hannaanka deyn cafinta.

3/26/2020 11:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL )– Fadhigii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta soo saaray qodobo xooga lagu saarayo ka hor taga xanuunka saf mareenka ah ee coronovirus sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuud iyo shacabi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

3/26/2020 5:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nuur, ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho, ayaa xaqiijisay muwaadin Soomaali ah oo dibadda ka yimid , karintiilna ku jiray in laga helay fayruska Corona.

3/26/2020 5:05 AM EST
Khamiis, Maarso, 26, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya inay gaartay go'aan qaadkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta ee dalalka saboolka ah.