3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2020
In kabadan 50% dadka u dhintay cudurka CoronaViruska dalka Sweden oo noqday Soomaali
 

Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Dalka Sweden, 50%  dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus ayaa noqday Soomaalida dalkaas ku nool, sida uu sheegay Yassin Abdullahi, oo kamid ah dadka waqtiga dheer ku nool dalkaas kuna jira siyaasadda waddankaas.

12 qof oo Soomaali ah ayaa axadii kasoo dhaafay la xaqiijiyay inay cudurka Corona Virus ugu dhinteen gudaha dalkaas, 7 kamid ah waxay ku geeriyoodeen magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden.

“War Soomaaliyeey waxaan idiin sheegayaa, waxaa talaagadaha maydka inoogu jira 12 mayd ah oo dadkeenna ah. Waxaa loo baahan yahay inaan qaadano wacyi galinta oo aan guryaheenna ku negaano,” ayuu yidhi Yassin Abdullahi, oo iskasoo duubay muuqaal uu kula dardaarmayay Soomaalida Sweden.

Sababta Soomaalida badan cudurkaan ugu dhinteen, ayaa lagu sheegay, taxadar la’aanta iyo qaadasho la’aanta tallooyinka dowladda, iyagoo cudurkaba u haysta inuu yahay wax sahlan oo sida hargabka oo kale looga bogsan karo.

Yassin Abdullahi wuxuu sheegay qofka Soomaaliga ah marka uu cudurka qaado in uu dhexgalp bulshada isagoo qariya in uu cudurka qabo, taasoo keenta in xanuunkii uu sii faafiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/25/2020 4:23 PM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ee Bangiga Adduunka ayaa go'aamiyay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u bilowdo helitaanka deyn hoos imaaneysa Kobcinta Waddamada ku jira saboolminada aadka uliitada.

3/25/2020 9:54 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir,Saalax Dheere ayaa warbahinta u sheegay in qof isisoo miidaamiyay uu isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag gaar ahaan suuq yaraha Sayidka.

3/25/2020 8:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, kuwa kalena way ku dhaawacmeen Qarax goor dhowayd ka dhacay nawaaxiga taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

3/25/2020 6:13 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Wasiirka Difaaca ee dalka Suudaan, Gamal Omer ayaa ku dhintay magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Suudaan Arbacada maanta, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Suudaan.

3/25/2020 6:10 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Dowladda Ethiopia ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay.

3/25/2020 2:46 AM EST
Arbaco, Maarso, 25, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni , ayaa safar aan la shaacin wuxuu muddo todobaad ku dhow ku joogaa magaalada xeebeedka qadiimiga ee Eyl ee kutaala badweynta Hindia.