4/8/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 24, 2020
Puntland oo ka laabatay go'aan lagu xirayo goobaha lagu cibaadaysto


 

Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay kasoo baxay guddiga ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus, kuwaas oo shaacisay in muddo labo tobadaad ah la xirayo goobaha cibaadada, sida masaajida.

Ka labaashada go’aankaan ayaa ka yimid kadib markii culimada Diinta ay arrintaan ku tilmaameen go’aan aan munaasib ahayn waqtigaan, iyagoo maamulka ugu baaqay in lala yimaado qorshe kale oo aan ahayn in goobaha lagu cibaadaysto la xiro.

Kulan dhexmaray culima’awdiinka iyo guddiga ayaa ugu dambayn lagu gaaray in maamulku ka laabto go’aankaas, balse waxaa la isku raacay in lasoo gaabiyo waqtiyada lagu cibaadaysto masaajida, in la xiro musqulaha kuyaala masaajida iyo in la joojiyo daruusaha diiniga ee masaajida lagu qabto.

wasiirka cadaalada Puntand, Cawil Sheikh Xaamud ayaa sheegay in xiritaanka masaajida ay noqondoonto tilaabooyinka ugu dmabeeya ee la qaadandoono, haddii cudurka uu soo gaaro Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Garowe ka furtay xarun lagu dawayndoono dadka uu soo rito cudurka Caronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/24/2020 5:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay saddex boorso oo lagasoo buuxiyay maandooriyaha Qaadka, oo la doonayay in si qarsoodi ah lagusoo galiyo magaalada Muqdisho.

3/24/2020 4:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor tagga Faafitaanka COVID-19.

3/24/2020 4:24 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in Soomaaliya laga nadiifiyay Lacagihii amaahda ah ee uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo gaaraysay $ 122.55 milyan oo dollar.

3/24/2020 9:37 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii taasoo keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka 'Cohannavirus' ee ka yimid China.

3/24/2020 8:09 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la joojiyo duulimaadyada ka imanaya dalalka uu ka dhacay cudurka Covid19,isla markaana aanu ficil inoo keenin cudurkaasi halista badan.

3/24/2020 7:59 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.

3/24/2020 5:08 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.