3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2020
Raysal wasaaraha Germany oo gashay xaalad karantiil ah shaki looga qabo cudurka Coranavirus

Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.

Afhayeenka dowlada Steffen Seibert ayaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray in Angela Merkel go’aansatay in ay karantiil ku ahaato gurigeeda, isla markii ay ogaatay axadii in dhakhtar siiyay talaalka cudurka qaaxada jimcihii laga helay cudurka COVID-19.

Wuxuu sheegay in si joogto ah loo tijaabin doono xaaladeeda caafimaad maalmaha soo socda.

Seibert wuxuu hoosta ka xariiqay in Merkel ay fulin doonto waajibaadkeeda rasmiga ah inta ay guriga joogto.

Dalka Germany ayaa ah waddanka shanaad ee cudurka uu sida xoogan ugu faafay. Wuxuu ku dhacay 23,921 qof iyo 92 dhimasho ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/23/2020 12:27 PM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL )– Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

3/23/2020 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

3/23/2020 8:06 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

3/23/2020 5:18 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

3/23/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.