4/8/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 22, 2020
Masuul katirsan Puntland oo caawo lagu dilay magaalada Gaalkacyo


 

Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dhallinayarda firfircoon ee ka shaqeyn jiray horumarka iyo isdhexgalka dhalinyarada gobolka Mudug. sidoo kale wuxuu ahaa ganacsade.

Markii ugu dambeysay ee uu kasoo muuqdo warbaahinta waxay ahayd afartii bishii February ee sanadkaan, isagoo xilligaas laga duubayay muuqaal uu kaga hadlayay shahaadooyinkii laga xanibay ardayda Puntland ee markii dambe la fasaxay.

Magaalada Gaalkacyo kuma cusba dilalka caynkaan oo kale ah. Bishii labaad ee isla sanadkaan, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, oo ahaa nabaddoon iyo guddoomiye xaafad katirsan waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Dilalka caynkaan ah waxaa inta badan sheegta ururka Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/22/2020 6:57 PM EST
Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

3/22/2020 9:26 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

3/22/2020 6:27 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

3/22/2020 5:24 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.

3/22/2020 5:13 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo ku saabsan COVID-19.

3/22/2020 2:44 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)-Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab