Khamiis, Maarso, 12, 2020 (HOL)-Dharkayn, ama Dharkayn-geenyo waa magaalo yar laakiin mudo dheer soo jirtey, waxaana mageceedu ka soo jeeda 1920kii xiligii daraawiishi ka baxday Taleex ayay ku hakadeen waxaana la yidhaa waxaan fardo ahayn may wadan, goobtan ayay ku qasheen geenyo.
Dharkayn waxaa mara xadka dawlad degaanka Soomaalida
Itoobiya oo laba u qaybiya, waxayna xadka gobolka Sool ka soo afjartaa
dhinaca Buuhoodle.
Magaaladan dhamaadkii qarnigii
tegey ayaa lagu caleenasaaray Garaad Cali Buraale Xasan Gaba'aweyte oo
dhalay garaad Mukhtaarkan alle naxariistiisa hawgu dooq'e.
Sidoo
kale waxaa lagu xasuustaa magaaladan in ay bud dhig u ahayd wadahadalo
dhaera oo colaad ku dhowaad 30 sano dhex taaley laba beelood oo
koonfurta iyo galbeedka degmada Laascaanood wada dega tanina qayb ka
tahay maantase nabad tisqaaday ay ka hana qaaday waana ta sahashey in in
caleemasaarka garaadka lagu qabto iyadoo uu ku caana shubay Garaad
Jaamac Garaad Cali iyadoo madax dhaqamedkii Soomaali inta badan cidi ka
joogto.
Madasha oo ahayd mid aad looga sheqeeyey
hanti badana loo huray ayaa waxaa is dhec yaala agabkii hidaha iyo
dhaqanka iyo kuwii casiriga ahaa oo isku milan indhuhuna inbadan ayay ku
madhquulayaan daawashadooda.
Gamaanka siiba
fardaha oo goobtan magac ahaan u sidato ayaa wiilal bari og duleedka
madasha barbariijinayeen iyagoo mararka qaarkoodna gudaha u soo gelaayey
oo salaamayey madaxda kala duwan ee halkaasi ku kulantay.
Madashan
oo xiisa kale leh waxaa isugu yimi madax iyo madax-dhaqameed qaarna
Puntland ka yimaadeen Qaarna Somaliland waayo badana aanay dhaayahoodu
isqaban.
Haatan waxaa socda qudbadihii ay
masuuliyiintu jeedinayeen oo u badan dardaaran iyo waano, waxaana ka
reeban hadal siyaasadeed ama xanaf kicin kara inta lagu jiro madasha
waase furantahay in laysu qoor laabo wixii ka danbeeya.