4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2020
Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya oo ku baaqay wada tashi degdeg ah in laga yeesho doorashada Soomaaliya
 


Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - Barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in 25 june dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah iskugu yimaada wada tashi degdeg ah oo looga arinsanayo doorashooyinka qaran ee soo socoda.

Bayaan kasoo baxay guddiga joogtada ah ee aqalka sare ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay hannaan raalli la isaga yahay oo lagu galo doorashada Soomaaliya, taasina ay ku imaan karto marka ay dhinacyada khusayso isku yimaadaan.

Aqalka sare wuxuu ugu baaqay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada inay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo ay mudada dheer soo ragaadiyeen khilaafyada siyaasadeed iyo colaadaha daba dheeraaday.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka aqalka sare:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]