4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2020
Madaxweynihii dalka Burundi oo geeriyooday
 

Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - War kasoo kasoo baxay dowladda Burundi ayaa lagu xaqiijiyay geerida Madaxweynahii waddankaasi  Pierre Nkurunziza  oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Cisbitaal.

Qoraalka dowladda ayaa lagu xusay in maalintii sabtida la dhigay cisbitaal kadib markii xaalad deganaasho la'aan caafimaad ah ay soo wajahday.

Xaaladdiisa ayaa soo hagaageysay labadii maalin lasoo dhaafay, balse maanta ayaa ayuu mar kale dib u xanuunsaday kadibna uu geeriyooday.  

Wuxuu ku dhintay da'da 55 sano.

Wuxuu dalkaasi ka talinayay muddo 15 sano ah , bisha Agoosto ee soo socota ayaa lagu waday inuu xilka ka dego.

Intii uu maamulka hayay waxaa lagu eedeynayay ku xad-gudubka xuquuqda Aadanaha, sidoo kale mucaaradka ayuu ula dhaqmayay si adag.  Hadda wuxuu u'ekaa nin muujinayay dabacsanaan siyaasadeed,  iyadoo culeysyo badan ay saarnaayeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]