4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2020
Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland oo soo gaadhey magaalada Laascaanood


Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - Wefti uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxmuud Xiir Faratoon ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey gobolka Sool siiba magaalada Laascaanood.

Wasiirka ayaa soo dhoweyntiisu ka soo bilaabantay tuulada Guumays oo 70Km. Waqooyi kaga aadan magaalada Laascaanood, waxaanu soo maray degaanada Yagoori, Adhi-cadeeye, Samakaab iyo Adhicadeeye.

"Doorashadii ka dib waa markii ugu horeysey ee aan idiin imaado, iskamaanaan socon waxaan u nimi danta degaanka" ayuu yidhi Faratoon, isagoo intaa raaciyey in uu bulshada la kulmi doono oo ay arinsanayaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay masuuliyiinta heer gobol, degmo iyo waxgaradba oo dhamaantood ay soo dhoweeyeen wasiirka iyo weftigiisa.

Safarka wasiirka ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo khilaaf ka taagan dhul seere loo calaamadiyey oo gebi ahaanteedaba ay bulshada  degaanka Yagoori ay diidmo ka muujiyeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood