4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2020
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay colaadda beelaha ee ka taagan xadka Gobolkiisa uu la wadaago Galgaduud
 

Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - Cali Jeyte Cismaan oo ah guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku sugan magaalada Beledweyne oo wareysi siiyay  Idaacadda Qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay colaadda u dhexeysa maleeshiyada laba beel oo walaalo ah oo ku dagaallamay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xummaado colaadda halkaasi ka taagan, waxa uuna ugu baaqay odoyaasha dhaqanka labada beelood in dirirtaas sida ugu dhaqsiyaha badan ay xal uga gaaraan.

“Waxay ceeb ku tahay in maanta labadaasi beel ay ku dagaallamaan dhulkaasi odoyaasha dhaqanka labada dhinac” ayuu Guddoomiye Cali Jeyte u sheegay Radio Muqdisho.

“Waxaan codsan lahaa in lacagaha lagu dagaallamayo dadkaas nolol loogu sameeyo “ ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Maleeshiyaadka beelahaas oo ku dagaalamay dhulka miyiga ah ayaa waxaa kala dhex-galay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo lagu guuleystay in dagaalladii dhacayay la joojiyo.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in deminta colaaddaan lagu qaabilo hab ku qotomo xal ay qeyb ka yihiin madaxda labada Gobol ee Galgaduud iyo Hiiraan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]