
newsinsideHowl-galka ayaa laga fuliyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulkaasi.
Wasiirka ammaanka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in howl-galka ay si wada jir ah u qaadeen Ciidanka ammaanka Galmudug, PSF-ta Puntalnd, kumaandooska Danab iyo ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21-aad.
Axmed Macallin Fiqi oo uu hareer taagnaa wasiiru dowlaha Cadaaladda Puntland ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay in ay ka dembeeyeen dagaallada beelaha ee ka dhaca Gobolka Mudug.
Waxa uu dhinaca kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad ka shaqeyn jiray amni darrida Gobolka Mudug , gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]