4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2020
Koofur galbeed oo beenisay in wararka sheegaya in ay diiday in dowladda dhexe ay kala hadasho arrimaha doorashooyinka
 

Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegayay in maamulkaasi uu ka biya diiday ka qeyb-galka ku aaddan  wada –xaajoodka dowladda dhexe iyo dowladda goboleedyada arrimaha la xiriira doorashada  Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan Koofur Galbeed la socon halka uu warkaasi ka yimid, islamarkaana ay diyaar u yihiin in dowladda dhexe iyo maamullada Faderaalka qeybta ka ah ay ka arrinsadaan arrimaha doorashada soo socota.

“Maamulka Koofur galbeed wuxuu leeyahay guddi gaar ah oo u  xil saaran arrimaha dowladda dhexe lagala hadlayo doorashada” ayaa lagu yiri war murtiyeedka kasoo baxay maamulkaas.

Maamullada qeybta ka ah faderaalka ayaa waxaa la sheegay in waayadaan ay qaarkood kulamo lalahaayeen guddi ka socda dowladda dhexe , iyagoo kala hadlayay arrimaha doorashada.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]