4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2020
James Swan oo barlamaanka Soomaaliya ugu yeeray in ay tillaabooyin geesinimo leh ka qaataan arimaha doorashooyinka
 

Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Wakiilka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu yeedhay sharci-dajiyayaasha Soomaaliya in ay qaadaan tillaabooyin geesinimo leh oo ay horay ugu sii qaadayaan ahmiyadaha qaran ka hor doorashooyinka 2020-2021.

James Swan, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in indhaha dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya ee caalamiga ah ay ku jeedaan kalfadhiga toddobaad ee baarlamaanka Faderaalka.

" Waxaa la idinka sugayaa shaqooyinka la xiriira doorashooyinka qaran ee soo socda, wax ka badal lagu sameeyo Sharciga Axsaabta Xisbiyada iyo tixgelinta warbixinta guddiga wadajirka ah ee ku saabsan Sharciga doorashooyinka, iyo sidoo kale soo bandhigida guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,” ayuu yidhi James Swan.

" Xubnaha sharafta leh, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad aad u muhiim ah, shaqada baarlamaanka federaalka waxay go'aansan doontaa waddada dimuqraadiyadda iyo xasilloonida sannadaha badan ee soo socda, "ayuu yidhi.

Ergayga Qaramada Midoobay wuxuu kaloo ugu hambalyeeyay xubnaha baarlamaanka go'aankooda ah inay isugu imaadaan fadhiga ayna hubiyaan sii wadida howlaha baarlamaanka, in kastoo uu walaac ka muujiyay caqabadaha ka dhalan kara COVID-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]