4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2020
Golaha degaanka Minneapolis oo taageeray kala-diridda ciidanka booliiska


 Lisa Bender, Madaxa Golaha Deegaanka ee Magaalada Minneapolis - Sawirka CNN


Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Aqlabiyada (Majority) xubnaha ugu badan Golaha Deegaanka ee Magaalada Minneapolis ayaa sheegay inay taageerayaan kala-diridda gabi-ahaan Booliiska magaalada Minneapolis, waana go’aan adag oo horay aanan uga dhicin dalka Mareykanka ka dib dilkii George Floyd.

Sagaal (9) ka mid ah 12ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Magaalada Minneapolis ayaa ballan-qaaday in ay u codeey-doonaan kala dirista Booliska Magaalada Minneapolis

“Waxaa noo caddaatay in Booliska magaalada Minneapolis aysan u diyaarsaneyn sugid amniga ee magaalada. Waxaa marka aniga iyo sided (8) kale ee ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada go’aansanay in aan goyno xiriirkii aan la lahayn booliska magaalada. Waxaana la abuuridoonaa Boolis si daacad ah ugu shaqeeya shacabka ku nool magaalada Minneapolis.” Ayeey tiri Lisa Bender oo madax u ah Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Dadka u dodo xaquuqul aadanaha ayaa in muddo ah ku eedeynayey booliska ineey ku shaqeeyaan cunsurinimo (racist).

Bishii May 25keedii ayaa George Floyd oo 46 jir ah uu u dhintay dhaawac soo gaaray ka dib markii uu Derek Chauvin oo katirsanaa booliska magaalada Minneapolis jilibkiisa qoorta ka saaray muddo ka badan sagaala daqiiqo oo sababtay in uu u geeriyooda.

Siyad Salah, Hiiraan Online
Minneapolis, MN
[email protected]