4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2020
Dibad-baxyo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay


Axad, Juun 07, 2020 (HOL) - Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax uusoo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir,  waxaana uu ujeedkiisu ahaa mid lagu sheegay in lagu taageerayay hadalkii shalay ee madaxweyne Maxamed Cadullaahi Farmaajo ee ahaa in Gobolka Banaadir uu helo matalaad siyaasadeed.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanayay in labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ay arrintaasi meel mariyaan , islamarkaana ay fuliyaan codsigii madaxweynaha.

Dadka dibad-baxayay oo u badnaa haween iyo dhalinyaro ayaa waxay socod ku mareen taallada daljirka dahsoon iyo isgoyska KM4 .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo dadka la hadlay ayaa waxa uu labada aqal ee Baarlamanka uu ka codsaday in ay Muqdisho u raadiyaan matalaadda iyo xuquuqda siyaasiga oo ay leedahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]