4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2020
Mucaaradka Jabuuti oo sheegay Jabuuti in ay ku socoto wadadii burburka
 

Sabti, Juun 06, 2020 (HOL) - Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa nasiib darro weyn ku tillaamay habka loola dhaqmay askari reer Jabuuti ah oo lagu magacaabo Fu’aad Yuusuf Cali, kaasoo ay sheegeen in la jirdilay laguna xiray goob Suulli ah.

Fu’aad Yuusuf Cali, oo baxsad ku joogay dalka Ethiopia ayaa loosoo gacan galiyay Jabuuti. Fariin uu kasoo diray goob uu ku xirnaa iyo habka loola dhaqmay ayaa ka careysiiyay shacabka dalkaas, kuwaas oo dhigay mudaharaadyo waaweyn.

Cadiraxmaan Maxamed Geelle, hoggaamiyaha mucaaradka ahna duqii hore ee magaalada jabuuti, ayaa soo dhoweeyay sida shacabka Jabuuti uga falceliyeen tacadiga loo geystay Askariga qaran, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha Jabuuti inuu ku tuntay xuquuqdii iyo cadaaladii muwaadiniintu lahaayeen.

Mr, Geelle wuxuu sheegay Jabuuti inay ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd wuxuuna tilmaamay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degidoonin illaa uu dalku uu burburo ama uu geeriyoodo.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku hanjabay inay tilaabo ka qaadidoonaan dadka mudahaaradaya, isagoo sheegay in dhibaato weyn loo geystay amnigii dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]