4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2020
WHO oo siidaysay tilmaamaha isticmaalka maaskarada kahortagga COVID-19 kadib muran ka dhashay
 

Sabti, Juun 06, 2020 (HOL) - Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo saaray tilmaamo ku saabsan adeegsiga maaskarada, iyadoo ka jawaabaysa muran ka yimid waddamada qaar hoggaamiyeyoosha siyaasadeed oo diiday inay xirtaan qalabkaan.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka sheegay shir-jaraa'id oo toddobaadle ah cidda xiran karta maaskaro, qalabka ay tahay in laga sameeyo iyo goorta ay tahay in la xidho.

Tedros wuxuu yidhi "Waxaan jeclaan lahaa inaan si cad u caddeeyo in tilmaanta aan maanta daabacnay ay tahay wax ka cusub wixii aan soo sheegnay bilooyin: Maskarada waa in kaliya loo istcimaalaa qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaallamayo COVID-19.

Iyadoo la raacayo isbeddelada caddaynta, ayay WHO waxay ku talineysaa in dawladuhu ay ku dhiirigeliyaan dadweynaha guud ahaan inay xidhaan waji-gashi halka ay ka jirto fiditaan baahsan ama ay adag tahay kala durugsanaanta dadka, sida gaadiidka dadweynaha, dukaamada ama meelaha kale ee xiran ama deegaannada dadku ku badan yahay.

Tedros wuxuu sheegay in WHO ay kula talisay dadka inay xirtaan maaskaro ka kooban ugu yaraan saddex lakab oo agab kala duwan ah, sida ku cad tilmaamaha, haddii ay xidhaan dharka kala duwan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]