6/5/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Dibad baxyo lagu dalbanayo in lasii daayo duuliyaha xeran ee Jabuuti oo ka dhacay Cali Sabiix


 

Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) -  Dad badan oo dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Cali Sabiix ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxayna aad ugasoo horjeedeen hannaanka dowladda ay ula dhaqantahay duuliyaha maxbuuska Farxaan Yuusuf Cali  oo ka tirsan ciidamada difaaca cirka, ahna sargaal laba xidigle ah.

Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro,  haween iyo carruur ayaa dalbanayay in duuliyahaasi loo soo celiyo xorriyaddiisa.

Wararka HOL ay ka heleyso Gobolka Cali Sabiix ayaa waxay sheegayaan in dibad-baxayaashu ay waddooyinka ku gubeen taayirro,  laakiin markii dembe ciidamada ayaa soo fara-geliyay.

Duuliye Farxaan ayaa soo duubay muuqaal isagoo ku xiran qol yar oo uu ku sheegay suuli,  waxa uu sidoo kale dadka uu usoo bandhigay jirkiisa,  gaar ahaan lugaha oo nabro badan ka muuqdaan,  wuxuuna ku sheegay in ay yihiin tacaddi xooggan loo geystay.

Dowladda Jabuuti weli si cad ugama jawaabin dhibaatada uu maxbuuskaasi ka cawday,  laakiin wasiirka arrimaha gudaha oo hadlay ayaa digniin u diray shacabka dibad-baxaya oo qaarkood wararku ay sheegayaan in jeelka la dhigay.

Mucaaradka Jabuuti ayaa dowladda ku eedeeyay dhowr jeer oo hore xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha,  laakiin dowladda ayaa dhammaan eedahaasi diidday.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
6/5/2020 3:11 PM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintey halka inka badan 1 milyan oo kale ay saameeyeen roobab culus iyo fatahaadaha wabiyada tan iyo markii roobabkii Gu'ga ee bilihii Abriil iyo May ka bilowdeen Soomaaliya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

6/5/2020 12:59 PM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Puntland ayaa ciidamo geysay gobolka Sool kadib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ay sameynayeen ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

6/5/2020 11:03 AM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Shiikh oo la hadlay Golaha raadiyaha iyo television-ka Jabuuti ee RTD ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay aad ugasoo horjeeddo dibad-baxyo xooggan oo shalay ka dhacay caasimadda dalkaas oo looga soo horjeeday hab-dhaqanka lagula kacay askari duuliye laba xidigle ah oo dowladda ay ku xirtay xabsi ku yaalla waddankaas.

6/5/2020 4:41 AM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka ee Kenya ayaa waxay sheegtay in dhowaan bukaanno qabo COVID-19 ay u diri doonto guryahooda, sababa la xiriira goobahii karaantiilka oo noqday kuwa aad u buuxsamay darteed.

6/5/2020 4:39 AM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Haweeneydii u dhalatay Nigeria ee dhowaan lagu xayasiiyay Facebook-ga , kuna nooleyd gudaha dalla Lebanon ayaa diiday in lagu celiyo waddankeedii hooyo, sida ay sheegeen madaxda Jaaliyadda Nigeria ee Beirut.

6/5/2020 3:46 AM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa waxa uu sheegay in xanuunka COVID-19 uu aad ugu faafayo deegaannada maamulkaasi, waxa uuna soo jeediyay in lagama maarmaan ay tahay in loo istaago sidii loo xakameyn lahaa.

6/5/2020 3:38 AM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee fannaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dhowr sano ah ku xanuunsanaa dalka.

6/5/2020 12:45 AM EST
Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay (U.N.) usbuucii la soo dhaafay ayaa muujisay in Taliban ay xidhiidh joogto ah la sameyso al-Qaacida, xilli Taliban heshiis nabad ah la gashay Mareykanka.