4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Puntland oo ciidamo geysay gobolka Sool iyadoo uga jawaabaysa Somaliland
 

Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Puntland ayaa ciidamo geysay gobolka Sool kadib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ay sameynayeen ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in xiisadahaan ay ka dhasheen, iyadoo Somalland ay doonayso inay ka hortagto in gobolka Sool ay saameyn ku yeeshaan dhaqdhaqyada siyaasadeed ee ay wadaan ururada ku tartamaya nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Puntland waxay saldhig ciidan ka sameysatay oo ciiddamadaan geysay degmada Boocame ee gobolka Sool, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay xafiisyo siyaasadeed ay ka furanayeen ururada Puntland, waana arinta keentay inay Somaliland ka carooto.

Magaalada Bocame oo Garowe 60km uga beegan dhinaca galbeed ayaa ah magaalo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland. balse midnaba si caadi ah ugama shaqeeyo maamuladooda.

Bocame waxay aad ugu dhowdahay degmada Tukaraq, oo sanadkii 2018 lagala wareegay gacanta Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]