4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Kenya oo bukaan badan oo qaba COVID-19 u diri doonta guryahooda, kadib markii ay buuxsameen goobahii karaantiilka
  

Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka ee Kenya ayaa waxay sheegtay in dhowaan bukaanno qabo COVID-19 ay u diri doonto guryahooda, sababa la xiriira  goobahii karaantiilka oo noqday kuwa aad u buuxsamay darteed.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa waxa uu sheegay in dhowaan ay sii dayn doonaan waxyaabaha dadkaas ay guryaha u diraan  hagi doono, ka hor inta aaney ku laaban , kuna biirin qoysaskooda, waxayna siin doonaan sidoo kale talooyin dadka guriga jooga si ay isku ilaaliyaan.

Waxa uu qiray in Kenyanka aysan faquuqin bukaannada , loo ogolaan doono in guryahooda ay ku sugnaadaan illaa inta ay ka bogsoonayaan .

Caasimadda Nairobi ee Kenya ayaa waxaa ku yaalla laba xarun oo dadka lagu karaantiilo, kuwaas oo hadda guud ahaanba dhaafay tiradii loogu tala-galay.

Shalay oo Khamiis aheyd waxay dowladdu shaacisay 124 kiis oo cusub taas oo wadarta guud ka dhigtay dadka uu cudurka ku haleelay waddankaasi 2,340 halka 592 qofna ay ka bogsadeen, waxaana u dhintay 78 ruux.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]