4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Qaramada Midoobay oo ogaatay in uu xiriir joogto ah ka dhaxeeyo Alqaacida iyo Taliban
 

Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay (U.N.) usbuucii la soo dhaafay ayaa muujisay in Taliban ay xidhiidh joogto ah la sameyso al-Qaacida, xilli Taliban heshiis nabad ah la gashay Mareykanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 400 ilaa 600 howl wadeeno hubaysan oo al-Qaacida ah ay ka howlgalaan Afghanistan.

Heshiiskii nabadeed ee 29-kii Febraayo waxaa loo arkayay in Taliban ay ogolaatay inay ka hortagaan al-Qaacidada ka howlgasha Afghanistan si ciidamada Mareykanka ay si tartiib tartiib ah uga baxaan Afgaanistaan.

In kasta oo shuruudihii wada-xaajoodka ay galeen Maraykanka iyo Taliban, haddana labada koox ee xag-jirka ah ayaa lagu soo waramayaa inay isweydaarsadeen dammaanad-qaadyo ku saabsan cilaaqaadkooda taariikhiga ah.

Golaha Amaanka ayaa ka dalbaday Taliban in ay jabiso xiriirkii ay la lahayd al-Qaacida, aqbashana dastuurka Afgaanistaan ayna joojiso rabshadaha.

Warbixinta U.N. waxaa kale oo ay sheegaysaa in Taalibaan iyo al-Qaacida ay qabteen shirarka ilaa 2019 iyo horraantii 2020 si looga wada hadlo tababbarka iyo qorshaynta hawlgallada.

Al-Qaacida waxay muddo dheer ballanqaaday inay daacad u tahay Taalibaan. Bishii Juun 2016, hogaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa mar kale xaqiijiyey daacadnimada al-Qaacida isagoo si cad u taageeray hogaamiyaha cusub ee Taliban, Mullah Mawlawi Haibatullah Akhundzada. Intii ay la shaqeynayeen Daalibaan, al-Qaacida waxay sameysay dhowr xero tababar oo Afghanistan ah, oo ay kujiraan dhul beereedka Tarnak, halkaas oo Osama bin Laden lagu eedeeyay inuu kasoo abaabulay weerarkii 9/11.

Bishii February 2020, Mareykanka iyo Talibaan waxay gaareen heshiis horudhac ah oo dalbanaya in la yareeyo rabshadaha ka socda Afganistan. Mareykanku wuxuu ogolaaday inuu ciidamadiisa hoos uga dhigo 13,000 askari, kana dhigo 8,600 saddexda ilaa afarta bilood ee soo socota, iyadoo ciidamada haray ee Mareykanka ay ka baxayaan 14 bilood.

Taliban waxay oggolaadeen inay ka tanaasulaan al-Qaacida isla markaana ay ka hor-istaagaan al-Qaacida iyo kooxaha kale. Waxay sidoo kale ogolaatay inay wadahadal xabbad-joojin joogto ah la gasho xagjiriinta kale ee Afghanistan iyo dawladda Afghanistan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]