4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2020
Maxkamad kutaala Kenya oo dhegaysanaysa dacwad ka timid todobo Kenyaan ah oo ku xayiran Soomaaliya
 

Khamiis, Juun 04, 2020 (HOL) - Maxkamadda Sare ee Mombasa ee dalka Kenya ayaa Khamiista maanta ah dhageysan doonta codsi ay gudbiyeen toddobo Kenyan ah oo ku xayiran Soomaaliya ka dib markii loo diiday inay galaan waddankooda.

Kooxaha udooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in toddobadan Kenyanka ah ay howlo shaqo ugu safreen magaalada kismaayo ee Soomaaliya, iyagoo oggolaansho ka haystay xafiiska socdaalka Kenya.

Codsadeyaashu waxay sheegeen in dawladdu ay ka hor timid xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo deganaanshaha dhammaan muwaadiniinta Kenya sida ku xusan qodobka 39aad ee dastuurka dalkaas.

Waxay sheegeen in baasabooradooda ay la wareegeen mas'uuliyiinta isla markaana loo diiday inay galaan Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]