4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2020
Seddexdii Askari ee ka qay-qaadatay dilkii George Floyd oo la soo xiray

Khamiis, Juun 04, 2020 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa dambi ku soo oogay seddexdii booliis ee goob-jooga ka ahaa dilkii George Floyd oo ahaa nin African-American si arxan-darro ah loogu dilay bartamaha magaalada Minneapolis.

Mudane Ellison oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in seddex shaqsi oo laga eryay booliska magaalada Minneapolis ay qayb ka qaateen dilkii loo geystay Geogrge Floyd.

Seddexdaan qof ee dambiga lagu soo oogay ayaa waxay kala yihiin a Tou Thao, J. Alexander Kueng and Thomas Lane, waxaana lagu soo oogay in kaalmeeyeen oo waliba ay sahleen dilka Mr. George Floyd. Haddii ay ku caddaato dambiga lagu soo eedeeyey, waxay muteysandoonaa xabsi ah 40 sanno.

Mudane Ellison ayaa sidoo kale sheegay in arrintaan ay caddaalada u tahay qoyskii George Floyd iyo guud ahaan shacabka ku nool gobolkan Minnesota.

Bishii May 25keedii ayaa George Floyd oo 46 jir ah uu u dhintay dhaawac soo gaaray ka dib markii uu Derek Chauvin oo katirsanaa booliska magaalada Minneapolis jilibkiisa qoorta ka saaray muddo ka badan sagaala daqiiqo oo sababtay in uu u geeriyooda.

Dilkaas ayaa si weyn u gelgelay guud ahaan dalka Markeynka oo si aan horay loo arag looga dareemay. Dilka Mr. Floyd ayaa waxaa laga yaabaa in uu wax-weyn ka beddelidoono xiriirka u dhexeeya booliska dalka Mareynka iyo dadka African-Americaanka ah.