Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sheegay kursiga meel kale loo bedelanayo in ay mustaqbalka keenidoonto in kursigaas beesha iska leh ay lumiso.
newsinsideGuddoomiyaha barlamaanka ayaa xildhibaan kasta uga digay isagoo ka fekeraya sidii uu kusoo laaban lahaa inuu lumiyo kursiga beeshiisa, taasoo ku imaan karta marka uu kursiga geeyo meel beeshiisa looga tiro badan yahay, kadibna kursigaas looga guulaysto, halkaasna ay ku waydo beeshiisa matalaadeedii.

“Ha ogaado qofka maanta doonaya inuu kursigiisa meel kale geysto ama ku
xawisho in kursigaas musqbalka ay beeshiisu lumindoonto,” ayuu yidhi
guddoomiyaha oo xildhibaanada arintaan uga digayay.
Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa yimid, iyadoo uu haatan muran xoogan ka taagan yahay xildhibaano kuraastooda u weeciyay degaano kale.
Xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, ayaa ogolaanaya in xildhibaanada kuraastooda geysan karaan degaan aan ahayn halkii lagu doortay markii hore, balse kursiga lagama saari karo dowlad goboleedka dhexdiisa.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]