4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Dowladda Shiinaha oo Itoobiya kala hadashay in muranka Masar kala dhexeeya ee biyaha Nile wada hadal lagu dhammeeyo
 

Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Shiinaha Gedu Andargachew iyo Wangi Yi waxay kusoo hadal qaadeen arrimaha muranka biyaha Nile ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Waxaana lagu sheegay in loo baahanyahay in xalka arrintaasi loo maro wada-hadal sal u noqda iyo is-Af-garad iyo heshiis.

Wang Yi ayaa sheegay in Shiinaha uu muhiimad gaara siinayo wada-jirka iyo wax wada qabsiga waddamadaasi.

Labadan wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen xiriirka Shiinaha iyo Itoobiya iyo sidii loo sii cayilin lahaa iskaashiga dhinaca diblumaasiyadda ah ee ka dhexeeya , waxaana lagusoo hadal qaaday kaalinta xukuumadda Adis Ababa ay ka qaadan karto isu-so dhowaashiyaha Shiinaha iyo guud ahaan Afrika.

Dowladda Shiinaha ayaa hadda u muuqata mid ahmiyad gaar ah siineysa xiriirka ay la leedahay Afrika, waxayna hadda u muuqataa in dowladdaasi ay weli dhex-dhexaad ka tahay qaddiyadda muranka biyaha webiga Nile, waxaana suuragal ah in madaxda dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay wada-hadal furan , kaas oo ay Shiinaha gadaal ka taaganyiin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]