4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Wasiir Cawad: Doorashada Abuukar Baalle waxay marqaati ka tahay guusha Soomaaliya ka gaartay Siyaasadda Dibadda
 

Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa u hambalyeeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka golaha guud ee qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay tallaabadaan inay markhaati u tahay guusha dowladda Soomaaliya ka gaartay Siyaasadda arrimaha Dibadda.

Danjire Abuukar Baalle, ayaa xilkaan loo doortay intii lagu guda jiray Kulanka 75aad ee fadhiga golaha guud, isagoo taageero ka helay xubnaha UN ka.

Abuukar ayaa wax ka maamuli doona arrimaha muhiimka ah ee Qaramada Midoobay.

Bishii October ee sannadkii 2017, ayaa loo magacaabay danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM, isagoo xilligaas kahor uu ahaa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]