4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2020
Ciidamada Booliska oo qarxiyay miinooyin la dhigay meel ku dhow Jaamacadda Umadda
 

Arbaco, June 3, 2020 (HOL) -  Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa waxay maanta qarxiyeen labo xabbo oo miino ah lagu aasay afaafka hore ee jaamacadda Umadda Soomaaliyeed,  faraceeda Gaheyr, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay qarxintooda.

Ciidamada ayaa helay xogta ah in miinooyin halis keeni kara ay ku jiraan meel qashinka lagu shubo oo ku beegneyd wajahadda hore ee jaamacadda sida uu baahiyay raadiyaha Maxalliga ah ee Kulmiye.

Lama oga cidda galisay miinada halkaasi iyo ujeeddada ka dembeysa toona.

Dhinaca kale,  booliska Soomaaliya ayaa waxay tafaasiil ka bixiyeen miinooyinka ay qarxiyeen, Afhayeen u hadlay ayaa waxa uu u  sheegay raadiyaha  Shabeelle ee Muqdisho in xogta ay ka heleen dad shacab ah oo lasoo xiriiray.  Isagoo ku eedeeyay in miinooyinkan Al-shabaab halkaas ku aaseen.

Soomaaliya waxaa dhibaatooyin xooggan ku haya qaraxyada,  iyadoo horay dad badan ugu dhinteen,  kuwa kalana ay ku dhaawacmeen qaraxyo loo adeegsaday miinooyin dhulka la geliyay,  kuwa gawaari lagu xiray iyo gaadiid ay wateen dad ismiidaamiyayaal ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]