4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Axmed Macallin Fiqi " Ciddii Al-shabaab lacag siiso, waxaan u aqoonsan doonnaa maal-geliyaha koox argagaxiso ah "
 


Arbaco, June 3, 2020 (HOL) -  Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen in guud ahaan isbaarooyinkii yaallay waddada dheer ee laamiga ah ee marta gudaha maamulkaasi ay qaadeen, waxa uuna intaa ku daray in dhalinyaradii u abaabulnaa hannaanka beelaha oo ay jidgooyooyinka yaalleen ay xareynayaan,  tababar kadibna ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada lagu aas-aasayo daraawiishta Galmudug.

"Waan xareyneynaa dhalinyaradan hubka culus wata,  waxaana u qeybin doonnaa labada Gobol oo ay Galmudug ka koobantahay ee Galgaduud iyo Mudug" ayuu wasiir Fiqi u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Dhinaca kale,  wasiir Axmed Macallin Fiqi  ayaa mar wax laga weydiiyay arrinta ganacsatada Galmudug oo ay Al-shabaab ka qaadaan lacagaha,  wuxuu qeexay inuu jiro ammar ay horay usoo saareen oo ah in ciddii lacago siisa Alshabaab ay u diiwaan-gelin doonaan maal-geliyaha koox argagaxiso ah,  sida uu hadalka u dhigay.

"Ma aqbali doonno in Al-shabaab ay ganacsatadu lacag siiyaan,  hadda kadibna ma dhici doonto in ay ka cabsoodaan " ayuu Wareysigii laga qaaday ku sheegay Axmed Macallin Fiqi.

Galmudug ayaa laga dareemayaa isbedal ammaan iyo mid siyaasadeedba,  tan iyo wixii ka dembeeyay markii Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu soo magacaabay golahiisa wasiirrada.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]