4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Taabit Cabdi Maxamed " Soomaaliya xilligaan ma samata-bixin karo shakhsi ay gadaal ka taaganyihiin dalal shisheeye "



Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahna hoggaamiyaha xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay maqaam u sameynta Caasimadda iyo dowrka matalaad oo ay ku yeelaneyso saamiga wax qeybsiga siyaasadda,  waxa uuna sheegay in shacabka ku nool Muqdisho ay jiraan dad u diiddan iney helaan matalaadda rasmiga ah oo ay leeyihiin.

Taabit oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga  ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay mar kastaba  tix-gelin la siiyo shacabka caasimadda.

"Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan" . Ayuu ku yiri qoraalkiisa Taabit Cabdi Maxamed Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan maanta samata-bixin karin madax iyo hoggaamiyayaal ku yimid hab qabiil iyo kuwa gadaal ay ka taaganyihiin dalal shisheeye,  balse keliya uu samata-bixin karo shakhsi ku yimid rabitaanka Soomaalida.

"Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan ."  Waxaa mar kale sidaasi ku yiri qoraalkiisa Taabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahna hoggaamiyaha xisbiga Awoodda Shacabka ayaa waxa uu hadalkiisan immaanayaa xilli lasoo bandhigay habka loo sameyn karo maqaamka Gobolka Banaadir,  iyadoo ay jiraan aragtiyo ku aaddan in nidaamka matalaadda Caasimadda lagu saleeyo  hannaanka wax qeybiga ee Afarta beel iyo barka Soomaaliya wax ku qeybsato,  walow aan taas weli la isku raacin.

Abdiaziz ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]