4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 3 , 2020
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Buurdhuubo
 

Arbaco, June 3, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in  halkaasi uu ka dhacay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta maamulka degmada,  iyagoo iska caabbin kala kulmay ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.

Baraha wararka ee dhinaca Internet-ka ee Al-shabaab taageera ayaa waxay baahiyeen in markii weerarka lagu qaaday xaruntaasi uu ku sugnaa Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo,  balse uu uga badbaaday si dirqi ah sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay Maamulka degmadaasi  iyo guud ahaan kan Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka oo qaar kamid ah taleefanka kula hadlay HOL ayaa waxay sheegeen in ay maqleen dhawaqa rasaas culus oo la isweydaarsaday,  balse aaney sheegi karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Al-shabaab ayaa horay u dhowr isbuuc ka hor u weeraray bar ay deganaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya ee ku taalla isla degmadaasi,  walow ay saraakiisha ciidamadaasi ay sameeyeen iska caabbin xooggan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]