4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Qoyska ninkii lagu tuhmayay weerarka Glasgow oo sheegay inuu qabay xanuunka dhimirka
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Qoyska nin dhowaan ay toogteen booliska Glasgow ee ku hubeysnaa mindida islamarkaana la sheegay inuu dhowr qof tooriyeeyay, ayeey qoyskiisa sheegeen inuu qabay xannuunka dhimirka.

Tuhmane Badreddin Abdalla Adam oo 28 jir ahaa ayaa asal ahaan kasoo jeeday waddanka Sudan,  waxayna booliska ku eedeeyeen toogashadiisa kadib weerar mindi loo adeegsaday oo magaalada Glasgow ka dhacay Jimcadii aynu soo dhaafnay.

Xubin u hadlay Jaaliyadda Suudaan ee Glasgow ayaa sheegay in xaaladda caafimaad eedeysanaha la toogtay aysan aheyn mid wanaagsaneyd.

 “Mr Adam wuxuu qabay xanuunka maskaxda , qoyskiisana way ka xunyihiin dadkii uu mindiyeeyay” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Jaaliyadda Suudaan oo wareysi siiyay BBC-da .

Adam ayaa waxaa toogtay askari ka tirsan Booliska gaarka ah ee Scotland kadib markii uu lix qof mindi ku dhuftay, kuwaas oo ku sugnaa  Park Inn Hotel  oo ku yaalla waddada galbeedkaa George ee magaalada Glasgow .

28 jirka weerarka lagu tuhmayo ee la qaarajiyay ayaa deganaa qolka 91-aad, waxa uuna kamid ahaa ku dhowaad 100 qof oo magan-gelyo doon ah oo Hotel-kaas ku sugnaa tan iyo wixii ka dembeeyay markii safmarka Coronavirus uu dillaacay

Almadi oo ah ninka u hadlay jaaliyadda Suudaan ayaa mar kale BBC-da u sheegay in muddo bil ah uu Adam ku karaantiilnaa qolkiisa, kadib markii lagu arkay calaamadaha COVID-19.

“Xaqiiqdii waxa uu aad ula bukoonayay xanuunka dhimirka, weliba wuu sii darsaday markii uu hotel-ka deganaa “ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Weerarrada mindiyada loo adeegsada ayaa badanaa ka dhaca waddamada reer galbeedka, waxayna galaafteen nolosha dad badan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]