4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2020
Senator Juriile oo dhaliilay madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye mursal
 

Isniin, Juun 29, 2020 (HOL) - Senator Cabdirazaq Cusman Xasan “Jurile”oo katirsan wakiilada aqalka sare ee ku matala dowlad goboleedka Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka in ay dileen rajadii laga qabay in Soomaaliya u dhaqaaqdo jihada saxda ah iyo dadaaladii lagasoo shaqeynayay.

Senator Juriile waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo oo laga sugayay inuu ka shaqeeyo habraacii loo mari lahaa in doorasho heshiis lagu yahay ay ka qabsoomto Soomaaliya uu faro galin qaawan ku sameeyo sharciyadii iyo xeerarkii doorashooyinka, taasoo keentay in barlamaanka sifo sharci darro wax ku meel mariyaan waa sida uu yidhi Senatorka.

“Waxaa ayaan darro ah, in barlamaankii Soomaaliya ee sharci ilaaliyaha ahaa uu sifo qaadacsan dastuurka wax ku meel mariyo, Tani waxay dilaysaa rajadii ahayd in dalku meel wanaagsan aado,” ayuu yidhi Jurile.

 “In la isku yimaado, in wada hadalkii lasii wado iyo kalsoonidii intaas lasoo dhisayay way dhimatay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu soo dhoweeyay mowqifka 72 xidhibaan oo kasoo horjeestay meel marinta kuraasta matalaada gobolka Banaadir. Wuxuu ku ammaanay inay isku taageen inay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka dalka uyaala.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]