
newsinside“Mid kamid ah state-yada ayaa soo qoray hadii madaxweyne Farmaajo uu joojin waayo fadhiyada barlamaanka in aysan shirka imaandoonin, bal luuqadaas hala fasiro,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay barlamaanku inuu haysto shaqadiisa dastuuriga ah islamarkaana uusaan jirin awood madaxweyne Farmaajo ku joojin karo ama uu wax kaga bedeli karo fadhiyada guud ee golaha shacabka.
Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo aadaya, kadib markii dhawaan dowlad goboleedyada Puntland uu sheegay in uusan aqoonsanaandoonin sharciyada uu meel mariyay iyo kuwa hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]