4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2020
Xildhibaan Cusub oo maanta ku biiray Golaha wakiillada Jubaland
 

Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu dhaariyay xarunta Golaha wakiillada ee Jubaland Xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Jannagale oo bedalaya mudane hore oo xilkaas iska casilay oo lagu magacaabo Jaamac Cabdi Guure oo 13-ka Jun xilkaasi banneeyay.

Xeer hoosaadka hab-raaca golaha wakiillada ayaa sheegaya in xildhibaankii banneeya booskiisa uu bedalayo, musharraxii horay ula tartamay.

Xildhibaankan cusub oo kusoo biiray Golaha wakiillada Jubaland Maxamed Nuur Janna-gale ayaa horay booskaan usoo qabtay, isagoo kamid ahaa Golahii wakiillada ee ugu horreeyay oo ay Jubaland yeelato.

Dhinaca kale waxaa iminka caadi u bilwoday fadhiyadii baarlamanka Jubaland , iyadoo la qorsheynayo in maalmaha innasoo aaddan ay bilaabi doonaan ajendayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]