4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2020
Madaxweyne Waare oo la kulmay Odoyaasha beelo walaalo ah oo ku dagaallamay xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya


Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu kulan la qaatay odoyaal iyo wax-garad kasoo kala jeedo beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay xadka ay wadaagaan Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya iyo Gobolka Shabeelle oo ah dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya raacsan.

Madaxweyne Waare ayaa Odoyaasha labada dhinac ugu baaqay in ay qaataan dowr togon oo ay qeyb uga noqonayaan daldaalka labada maamul ee Hirshabeele iyo dowladda Soomaalida Itoobiya ugu jiraan sidii loosoo ebyi lahaa dirirtaas.

Kulanka oo qaatay saacdo ayaa hoosta laga xariiqay in dhinac kasta uu isi saaro mas’uuliyad gooni ah oo nabadda lagusoo dabaalayo.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Gobolka Shabeelle ayaa waxay aad waqti badan ugu bixinayaan in la helo  nabad iyo is-dhex-gal labada shacab ah oo dhammaantood Soomaali ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]