4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2020
Nin toorey ku dilay walaalkii ka yar degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir
 

Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Dil aad looga argagaxay ayaa maanta ka dhacay xaafadda lagu magacaabo Siisii oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolka Bnaadir, kadib markii nin ku hubeysan mindi uu toorrey ku dilay walaalkii ka yar.

Goob joogayaal ayaa u sheegay HOL in nin lagu magacaabo Xasan Nuur Ciiroobe oo ku hubeysnaa mindi uu toban jeer ku dhuftay walaalkii oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe.

Lama Oga waxyaabaha keenay dilka , waxaana socda baaritaan ay sameynayay ciidamada Booliska.

Wararka laga helaya Dayniile ayaa sheegaya in dilka oo ka dhacay guriga qoyska labada wiil ee is dilay uu baxsaday ninkii dilka geystay.

Ciidamada dowladda ayaa hadda ku raad jooga sidii ay usoo qaban lahaayeen Xasan Nuur Ciroobe oo ah ninka dilka lagu eedeynayo.

Dhowaan ayeey aheyd markii xaafadda Raadeerka ee degmada Dayniile ay haweeney ninkeeda ku dishay mindi. Waxayna u muuqanayaan in dembiyada dilalka ee tooreyda loo adeegsado ay ku badanayaaan degmadaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]