4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2020
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Gobolka Shabeelle ee Itoobiya oo Beledweyne ku yeeshay shir heshiis looga gaarayo beelo ku dagaallamay xadka labada dhinac
 

Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Maamulka Gobolkaas oo ay wehliyaan xubno kamid ah wasiirrada Hirshabeelle iyo qaar kamid ah salaadiinta dhaqanka iyo Maamulka Gobolka Shabeelle ee deegaanka Soomaalida Itoobiya .

Kulankaan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa si weyn looga hadlay sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa colaadaha soo noq-noqday ee ka dhaca xadka Gobolka Hiiraan oo la wadaago Gobolka Shabeelle oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya raacsan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo madasha wada hadalka joogay ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in deegaannadaasi ay colaado dembe ka dhacaan.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la joogo goortoo lasoo ebyi lahaa colaaddaas oo loo baahanyahay in la gaaro xal kama dembeys ah si beelaha walaalaha ah ee deegaannada lagu dagaallamay ku nool ay nabad ugu wada noolaadaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]